HomeCaalamkaHaweeney 24 sano aheyd ONLF oo la midowday qoyskeeda

Haweeney 24 sano aheyd ONLF oo la midowday qoyskeeda

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Tan iyo markii baarlamaanka Itoobiya uu xayiraaddii ka qaaday ururrada mucaaradka ee dalkaasi oo ay ka mid ahayd jabhadda hubeysan ee ONLF, ayaa waxaa billowday in hogaamiyayaasha ururradaasi ay dib dalkooda ugu soo laabtaan ka dib tobannaan sano oo ay dibadda ku noolaayeen. Dadka dib Itoobiya ugu soo laabtay waxaa ka mid ah Cambaro Aw […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tan iyo markii baarlamaanka Itoobiya uu xayiraaddii ka qaaday ururrada mucaaradka ee dalkaasi oo ay ka mid ahayd jabhadda hubeysan ee ONLF, ayaa waxaa billowday in hogaamiyayaasha ururradaasi ay dib dalkooda ugu soo laabtaan ka dib tobannaan sano oo ay dibadda ku noolaayeen.

Dadka dib Itoobiya ugu soo laabtay waxaa ka mid ah Cambaro Aw Axmed, Madaxa Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee ONLF oo in kabadan 20 sano dibadda ku noolayd.

- Advertisement -

Maqnaanshaheeda iyo jabhadnimadeedu waxaa Jeel ku muteystay seygeedii iyo toddobo carruur ah oo ay dhashay.

“Ninkaygu habeenba nafis ma arkin, sidii loo rafaadinayay ee qawda loogu hayay ee loo xirayay ayuu markii dambe rafaadkii ku dhintay” ayay tiri Cambaro oo dib u milicsanaysa wixii soo maray qoyskeeda.

Silic buu adduunka ku dhamaystay dalkana waa laga wada ogyahay” ayay intaas ku dartay.

- Advertisement -

Hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in ay laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya gaysteen dhibaatooyin baaxad leh isla markaasna dad badan oo lagu dhibaateeyay xabsiga.

Dawladda Itoobiya ayaase mar kasta diidi jirtay in laamaha ammaanku ay dhibaatooyin gaystaan.

Balse xukuumadda cusub ee dalka Itoobiya ka dhalatay ayaa aqbashay in dhibaatooyin baaxad leh ay dhaceen.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaase sheegay in tuulo kasta oo dalka Itoobiya ku taalla ay laamaha ammaanka tacaddi ugu gayteen dad shacab ah.

Dadkaasna waxaa ka mid ah qoyska iyo carruurta Cambaro oo eersaday in ay ONLF ka mid ahayd, sida ay sheegtay.

Cambaro ayaa sheegtay in xataa labo gabdhood oo yaryar oo ay dhashay saqdhexe gaari lagu qaaday oo xero milatari lagu xiray, balse qof aysan magaciisa sheegin oo maamulka ka mid ah uu sii daayay.

“Abaalkiisa anoon gudin in aan dhinto ayaan ka yaabi sharaf iyo cisi Allaha siiyee” ayay tiri.

Iyada oo waraysi gaar ah siinaysa BBC ayaa Cambaro la waydiiyay waxa ay soo kordhisay wakhtigaas dheer ee ay ku hawlanayd arrimaha jabhadda ONLF.

“Magac iyo aqoonsi uusan waddan kani lahayn ayaan soo kordhinay” calanka ONLF-na shanta qaaradood ayuu ka babbanayaa.”

BBC SOMALIA

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts