Gelinkii dambe ee Maanta ayaa siwadajir ah waxay xal uga gaareen Madaxda shirkadaha duulimaadyada dalka iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta khilaafkii ka jirey Xajka taas oo sababtay in uu culeys ka yimaado.
Tan iyo burburkii dalka waxaa Xujeyda Soomaaliya ka baxeysa geynayey Xajka Diyaaradaha Jubba iyo Daalo,balse Sanadkaan ay codsadeen in ay ku soo biiraan Saddex Diyaaradood oo kale taas oo keentay in uu waqtigii loogu talo galay dib u dhaco,soona ifbaxo khilaaf.
Dadaal badan oo la sameeyey ayaa lagu guuleystay in xal laga gaaro,waxana dhawaan si toos ah u bilaaban doono Duulimaadyadii Xajka ee Sanadkaan.
Shan diyaaradood ayaa ka qeyb qaadan doona Duulimaadka Sanadkaan ee Xujeyda,waxana Saddex ka mid ah loo ogolaaday in ay tagaan Sacuudiga halka Saddexda kale ee ku soo biiray ay Xujeyda geynayaan Jabuuti iyo Kenya.
Sanadkaan Soomaaliya waxaa loo ogolaaday in ay ka baxaan 9300 oo Qof,waxana xusid mudan in Saddexda Diyaaradoodamarkii ay Jabuuti iyo Nairobi geeyaan xujeyda ay sii qaadi doonto Shirkada Diyaaradaha Sacuudi Airline,xiili khilaafkii xajka xal buuxa laga gaarey.
Dadka soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyey xalka laga gaarey khilaafkaas,xilli wal wal laga qabay in Sanadkaan uu baaqdo Arrimaha Acmaasha Xajka ee soomaalida ka baxeysa dalka Soomaaliya.