Yaasir Murtaja oo ah Sawir-qaade ayaa maanta u geeriyooday dhaawac ay shalay u geysteen Askarta Yuhuudda, xilli uu Sawiro ka qaaday Dibad-bax ballaaran oo ay Dadka Reer Falastiin shalay ka dhigeen Xuduudka magaalladda Qasa ee u dhow dhulka ay Yuhuudda boobka ku haystaan.
Marxuumkaasi waxa uu u shaqeynayey Wakaalladda Waeaeka Cayn Media Agency,
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa lagu shegay in Marxuumka laga dhaawacay Caloosha, xilli uu ku sugnaa Dibadbax ka dhacay Deegaanka Khuzaa’ ee Koonfurta magaalladda Qasa.
Askarta Yuhuudda waxay kaloo shalay dileen Nin Falastiin ah, iyadoo tirada dadka Reer Falastiin ee shalay la dilay tiradoodu dhan tahay 9 qof.
Dhinaca kale, Tirada Guud ee Falastiiniyiinta lagu dilay tan iyo markii u uKacdoonka bilowday bishii hore ee Maarso 30-da waxay gaarayaan 20-qof.
Sidoo kale, ugu yaraan Kun Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay tan iyo markii ay Dibadbaxyaddu ka bilowden Deegaankadda Marinka Qasa.
Dibadbaxayaasha waxay codsanayaan Xuquuqda Qaxootiga Falastiin oo ay dib ugu laabanayaan dhulalka La-haysto.
Farriinta ugu muhiimsan ee ay Dibadbaxayaasha Falastiiniyiin ku muujinayaan isku-soo-baxooda ayaa ah inay Qaxootiga Falastiin dib ugu laabtaan dhulalkii laga soo barakiciyey sannadkii 1948-kii
Ku-dhawaad 70% 2 million oo Falastiiniyiin ah ayaa xoog looga soo saaray dhulalkooda, waxayna haatan ku nool yihiin dhul furan oo cabirkiisu dhan yahay 360-KM oo isku wareeg ah.