HomeCaalamkaMacron iyo Turkiga oo hadallo kulul isku dhaafsaday dagaalka socda

Macron iyo Turkiga oo hadallo kulul isku dhaafsaday dagaalka socda

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta cambaareeyey wax uu ugu yeeray hadallada aan laga fiirsan ee halista ah, ee uu Turkiga ku taageerayo Azerbaijan, oo isku dayeysa inay dib u qabsato gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh. Hase yeeshee Turkey ayaa u jawaabtay, kuna eedeysay Macron inuu taageerayo qabsashada gobolka, halkaasi oo uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta cambaareeyey wax uu ugu yeeray hadallada aan laga fiirsan ee halista ah, ee uu Turkiga ku taageerayo Azerbaijan, oo isku dayeysa inay dib u qabsato gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh.

Hase yeeshee Turkey ayaa u jawaabtay, kuna eedeysay Macron inuu taageerayo qabsashada gobolka, halkaasi oo uu dagaal xooggan ka socday tan iyo Axaddii.

- Advertisement -

“Waxaan ka war helay qoraallada siyaasadeed ee Turkey, oo aan u maleynayo inay yihiin kuwa aan laga fiirsan oo halis ah,” ayuu yiri Macron oo booqasho ku jooga caasimadda Latvia ee Riga.

“France aad ayey uga walaacsan tahay hadallada gardarrada ah ee saacidihii tegay kasoo baxayey Turkey, kuwaas oo meesha ka saaraya is-xakameyn kasta oo Azerbaijan ay ka sameyn lahayd dib u qabsashada Karabakh. Taasi lama aqbali karo,” ayuu yiri.

Macron ayaa sidoo kale taageero u muujiyey Yerevan. “Waxaan u sheegay Armenia iyo dadka Armenia, France waxay cayaari doontaa kaalinteeda.” Turkey ayaa Azerbaijan oo ah dal Islam ah u aragta isbaheysigeeda koowaad.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu oo u jawaabay Macron ayaa yiri “Haddii Macron uusan wax walaac ah ka qabin dhulka Azerbaijan, taageerada uu u muujiyey Armenia waxay la macno tahay inuu taageerayo qabsashada.”

Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo billowday Axaddii ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 100 qof.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts