HomeCaalamkaIiraan oo Mareykanka u jeedisay Eedeyn ka dhan ah Cudur halis ah

Iiraan oo Mareykanka u jeedisay Eedeyn ka dhan ah Cudur halis ah

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa maanta ku eedeeyey Mareykanka inay dalkiisa ku baahinayaan “cabsi” la xiriirta cudurka Coronavirus ee ka dillaacay… Coronavirus ayaa dalka Iran ku dilay 19 qof oo ka mid ah 139-ka qof ee uu saameeyey, oo uu ku jiro wasiir ku-xigeenka caafimaadka, taasi oo Iran ka dhigtay dalka labaad ee ugu dhimashada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa maanta ku eedeeyey Mareykanka inay dalkiisa ku baahinayaan “cabsi” la xiriirta cudurka Coronavirus ee ka dillaacay…

Coronavirus ayaa dalka Iran ku dilay 19 qof oo ka mid ah 139-ka qof ee uu saameeyey, oo uu ku jiro wasiir ku-xigeenka caafimaadka, taasi oo Iran ka dhigtay dalka labaad ee ugu dhimashada badan cudurka kadib Shiinaha.

- Advertisement -

“Waa in aynaan u ogolaan America inay Coronavirus noogu darto fayrus cusub oo loogu yeero…cabsi darran,” ayuu Rouhani ka sheegay kulanka golaha wasiirada Iran ee toddobaadlaha.

Hadalka Rouhani ayaa yimid maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu Iran ku eedeeyey inay caburineyso akhbaaraadka ku saabsan cudurkan ka dillaacay dalkeeda.

Waxa uu sheegay inay qarineyso heerka rasmiga ah ee uu gaarsiisan yahay cudurkan.

- Advertisement -

“Mareykanka naftooda ayaa la xarbinaya Coronavirus. 16 kun oo qof ayaa u dhintay hargab hase yeeshee kama hadlaan dhimashadooda,” ayuu yiri Rouhani.

Iran ayaa tan iyo Arbacadii la tacaaleysay inay xakameyso cudurkan, markaasi oo ay ku dhowaaqday labadii qof ee ugu horreeyey oo ku dhintay magaalada Qom, oo ah xarun lagu barto diinta Islaamka, islamarkaana soo jiidata aqoonyahano “Xaj” u socda oo ka yimaada dibedda.

Mas’uuliyiinta ayaa xiray iskuullada, jaamacadaha, xarumaha dhaqanka, dhacdooyinka cayaaraha, waxaana shaqaalaha nadaafadda lagu daad gureeyey basaska, tareenada iyo goobaha dadweynaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts