HomeCaalamkaBoqorka Sacuudiga oo Qaxooti Soomaali ah ka taageeray inay dib ugu soo...

Boqorka Sacuudiga oo Qaxooti Soomaali ah ka taageeray inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka Aadminimadda ee (The King Salman Center for Relief) ayaa la sheegay inay gacan ka geysteen sidii ay 120 Qaxooti Soomaali oo ku noolaa Yemen dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo. Wargeyska Al-yoom ee ka soo baxa  Sacuudiga ayaa qoray inay Xarunta Boqor Salmaan bixisay kharajka Qaxootigaasi […]

- Advertisement -

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka Aadminimadda ee (The King Salman Center for Relief) ayaa la sheegay inay gacan ka geysteen sidii ay 120 Qaxooti Soomaali oo ku noolaa Yemen dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.

Wargeyska Al-yoom ee ka soo baxa  Sacuudiga ayaa qoray inay Xarunta Boqor Salmaan bixisay kharajka Qaxootigaasi loogu kireeyey Markabkii u daad-gureyn lahaa Dekedda magaalladda Berbera.

- Advertisement -

Qaxootigaasi waxaa la sheegay inay bishan 25-dii ka soo shiraacdeen Dekedda magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen, waxayna si nabad ah ku soo gaareen Dekedda magaalladda Berbera ee W/Galbeed ee Somalia.

Qorshaha dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida ku nool Yemen waxa uu qeyb ka yahay maalgelinta Xarunta Boqor Salmaan ee Hawlaha Samafalka Aadminimadda ee ay iska kaashadaan Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM iyo Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ku leeyihiin dalka Yemen.

Dhinaca kale, Qaxootiga Soomaalida ee laga soo daad-gureeyey dalka Yemen waxay u mahad celiyeen Xarunta Boqor Salmaan ee Samafalka taageeradda ay ka geyteen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories