HomeCaalamkaMeydadka Muhaajiriin laga helay meel ku dhow xuduudka Turkiga iyo Iiraan

Meydadka Muhaajiriin laga helay meel ku dhow xuduudka Turkiga iyo Iiraan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maydadka 6 Muhaajiriin oo barafoobay ayaa laga helay Degmadda Baskale ee Gobalka Van ee Bariga Turkiga, kuna dhow Xuduudka dalka Iiraan. Maydadkaasi oo la helay bishan May 3-dii ayaa lagu soo baraarugay, kadib, markii Nin Ari-jire ah uu maydka 1-aad ee Muhaajiriinta ka helay Deegaanka Gelenler oo u dhow Degmadda Baskale, kadibna waxa uu ku […]

- Advertisement -

Maydadka 6 Muhaajiriin oo barafoobay ayaa laga helay Degmadda Baskale ee Gobalka Van ee Bariga Turkiga, kuna dhow Xuduudka dalka Iiraan.

Maydadkaasi oo la helay bishan May 3-dii ayaa lagu soo baraarugay, kadib, markii Nin Ari-jire ah uu maydka 1-aad ee Muhaajiriinta ka helay Deegaanka Gelenler oo u dhow Degmadda Baskale, kadibna waxa uu ku wargeliyey Ciiddanka Jendermariiga ee dalkaasi.

- Advertisement -

Baaritaan ay Ciiddankaasi sameeyeey ayaa waxay maydadka 5 nin oo Muhaajiriin ahaa ka heleen qeybo kala duwan oo ku yaalla deegaanka Sultaankayir.

Baaritaanadda hordhaca ee lagu sameeyey maydadka Muhaajiriintaasi oo dhamaantooda rag ahaa ayaa la sheegay inay u geeriyoodeen qabowga daran ee heerka barafowga ee Deegaanadaasi, xilli ay doonayeen inay ka soo gudbaan xuduudka Turkiga la wadaagaan dalka Iiraan.

Maydadka Muhaajiriinta waxaa loo gudbiyey Machadka baaritaanadda Maydadka ee The Van Institute of Forensic Medicine, si loogu sameeyo baaritaano dheeraad oo lagu ogaanayo sababaha ay u geeriyoodeen.

- Advertisement -

lama aqoonsanin dalalka ay ka so ojeedaan Muhaajiriintaasi ku geeriyootay meel ku dhow xuduudka Turkiga la wadaago dalka Iiraan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories