HomeCaalamkaDareewal Soomaali u shaqeeynayey Warbaahin oo lagu dilay Ethiopia.

Dareewal Soomaali u shaqeeynayey Warbaahin oo lagu dilay Ethiopia.

Date:

Related stories

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

AI oo EU Ku Riixday Xeerar Cusub

Midowga Yurub ayaa soo jeediyay xeerar cusub oo xarumaha xogta waaweyn looga baahanayo inay shaaciyaan isticmaalka korontada iyo biyaha, iyadoo kororka AI uu kordhinayo baahida xarumaha xogta.

Jeneraalka Ruushka ee “Hero of Russia” oo Drone Lagu Dilay

Jeneraal Anton Grunis, oo ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka, ayaa lagu dilay weerar drone ah oo ka dhacay gobolka Donetsk, sida ay sheegeen ciidamada Ukraine.

Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta Caalamka ee CPJ  ayaa ugu baaqday Dowladda Ethiopia baaritaanka Weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen Shaqaale ka tirsan Wargeyska The Reporter oo hoos taga Hay’adda Warbaahinta Dire Dawe Mass Media Agency. Weerarkaasi waxaa lagu dilay Dareewalkii waday Gaariga la weeraray oo la oran jirey Sulaymaan Axmed. Hay’adda CPJ waxay ku baaqday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta Caalamka ee CPJ  ayaa ugu baaqday Dowladda Ethiopia baaritaanka Weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen Shaqaale ka tirsan Wargeyska The Reporter oo hoos taga Hay’adda Warbaahinta Dire Dawe Mass Media Agency.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay Dareewalkii waday Gaariga la weeraray oo la oran jirey Sulaymaan Axmed.

- Advertisement -

Hay’adda CPJ waxay ku baaqday in Dembiilayaasha la hor keeno Caddaaladda, laguna ciqaabo dilka ay geysteen.

Shaqaalaha Wargeyska The Reporter waxaa la sheegay in bishan July 13-dii lagu weeraray  Degmadda Meiso ee Dowlad-gobaleedka Oromadda ee Bariga Ethiopia, xilli ay shaqaalahaasi ku sii jeedeen Casaimadad dalkaasi ee Ethiopia, si ay Warar uga soo diraan Booqashadii Madaxweynaha Eritrea, Issias Afwerki ku tegay Addis Abeba.

- Advertisement -

Wargeyska The Reporter waxa uu qoray in ay Dhallinyaro ka soo jeeda Oromadda ay  jid-gooyo u dhigteen gaarigii ay la socdeen, waxayna madaxa iyo dhabarka iyo sinta ka garaaceen Dareewalkii oo ka soo jeeday Qowmiyadda Soomaalida deggan Bariga Ethiopia.

Dareewalka, Allaha U Naxariistee Marxuum Sulaymaan Axmed waxa uu galay Miyir-beel (Koma’), taasi oo sababtay inuu dhaawacaasi u geeriyoodo bishan July 19-dii.

AUN Marxuumka oo 37 jir ah waxa uu Aabe u ahaa 3 carruur, isagoo rajeynayey inuu ilmihii 4-aad dhawaan u dhashaan.

Waxa uu Dareewal u ahaa Wargeyska The Reporter oo hoos taga Hay’adda Warbaahinta Dire Dawe Mass Media Agency in ka badan 5 sanno.

Dhinaca kale, Xiriiriyaha Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta Caalamka ugu qaabilsan Afrika, Angela Quintal  oo joogta magaalladda Durban ee dalka Koonfurta Afrika  waxay ugu baaqday Xukuumadda Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed inay baaraan dhacdadaasi laga argagaxo, isla markaana si dhab ah loo baaro Dembiilayaashii dilay Marxuum Suleymaan Axmed.

Waxayna intaasi ku daray inay Dowladda Ethiopia waajib ku tahay inay Dembiilayaasha soo taagaan Maxkamadda, laguna ciqaabo falka dilka ee ay geysteen.

Dhinaca kale, Wargeyska The Reporter ayaa qoray inay Boliska Degmadda Meiso wadaan Baaritaanka dilkaasi, iyadoo Hay’adda Badbaadinta Suufiyiinta Caalamka ee CPJ sheegeen inay Duqa magaalladda Dirir Daw, Ibrtaahim Osman u direen Farriin Qoraal SMS ah, balse uusan ka soo jawaabin Qoraalkaasi.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts