HomeMaqalDhageyso:-Guddoomiye Yariisow oo Daah-furay kulan looga tashanayay Geeddi socodka Doorashooyinka+Sawirro

Dhageyso:-Guddoomiye Yariisow oo Daah-furay kulan looga tashanayay Geeddi socodka Doorashooyinka+Sawirro

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 12/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 10/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daahfuray kulammada wadatashiyada dadweynaha ee geeddi socodka Doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka 2020ka. Kullammadaaan oo ku saabsan uruurinta tallooyinka iyo caqabadaha ku xeeran doorashooyinka dalka ayuu ku tilmaamay Guddoomiye Yariisow mid fursad wanaagsan u ah sidii bulshada Soomaaliyeed ay qeyb uga […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daahfuray kulammada wadatashiyada dadweynaha ee geeddi socodka Doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka 2020ka.

Kullammadaaan oo ku saabsan uruurinta tallooyinka iyo caqabadaha ku xeeran doorashooyinka dalka ayuu ku tilmaamay Guddoomiye Yariisow mid fursad wanaagsan u ah sidii bulshada Soomaaliyeed ay qeyb uga noqon lahaayeen go’aan ka gaarista mustaqbalka dalkooda.

- Advertisement -

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir ay ka go’antahay muujinta kaalinta iyo maqaamka ay leeyihiin shacabka Gobolka, iyadoona la xaqiijinayo danta guud iyo dib u kabashada dalka.

“Bulshada gobolka Benaadir waxa ay u bisil yihiin sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen doorasho qof iyo cod ah oo ka hirgasho dalka, arrinkaas oo muhiimad weyn u leh muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, balse waa in doorashada ka hor fursad ay u helaan bulshadu sidii ay uga talo dhiiban lahaayeen.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka dalka Marwo Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa ku bogaadisay bulshada Benaadir sida wadaniyadda leh ee ay uga talo dhiibtaan arrimaha masiiriga ah iyadoona sheegtay in kaalin muhiim ah ay ku leeyihiin qabsoomidda doorashada “qof iyo cod” sanadka 2020.

- Advertisement -

Kulankan oo daah fur u ah kulammada wada tashiga ah ee ku saabsan Geeddi socodka Doorashooyinka ayaa lagu qaban doono degmooyinka gobolka Benaadir waxaana daah furka maanta kasoo qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Koowaad ee Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax), Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed,, Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo xubno ka tirsan Guddiga madaxa Bannaan ee Doorashoyinka iyo ururada bulshada rayidka ah ee Gobolka Benaadir.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Gudoomiye Yariisow iyo Xaliimo Yareey kana Daawo Sawirrada.

121014_001

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories