HomeMaqalDhageyso:-Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo dalbaday WadaShaqeyn

Dhageyso:-Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo dalbaday WadaShaqeyn

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhruuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, danjirayaal, diblomaasiyiin, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah duqowda dhaqanka ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa ay ku soo dhoweeyeen Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo xilkiisana loo dhaariayay. Soo dhoweynta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhruuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, danjirayaal, diblomaasiyiin, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah duqowda dhaqanka ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa ay ku soo dhoweeyeen Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo xilkiisana loo dhaariayay.

Soo dhoweynta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb qaattay Prof. Ali Mohamed Gedi Ra’iisul wasaarihii hore Xukuumaddii FKMG ah ee Soomaaliya, Mr. Abdulwahab Ugaas Hussein Ugaas Khalif Ra’iisul wasaare kuxigeenkii hore ee Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo xilka kala wareegi doona Wasiirkii hore ee Wasaaradda H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay, waxaanu carabaabay in dalku ka gudbayo marxalado kala duwan, una tallaabayo heer shacabku dareemo kalsooni ay ku qabaan dowladdooda.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa muujiyay niyadsamidda uu ku qabo inuu ku guuleysto xilka loo magacaabay, isaga oo kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda H.E. Mr. Hassan Ali Khaire kalsoonida ay siiyeen ee ah magacaabiddiisa, waxaanu codsaday in lagu taageero geedi socodka uu ku xoojin doono howlaha Wasaaradda, Ergadeeda iyo Siyaasadda Dibadda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts