HomeCaalamkaRagga Doobabka ee ka tirsan Daacishta ku sugan Puntland oo bilaa mushaar...

Ragga Doobabka ee ka tirsan Daacishta ku sugan Puntland oo bilaa mushaar lagu dagaal geliyo

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Maleeshiyadda u daacadda ah Madaxa Daacish-ta Somalia, Sheekh C/qaadir Muumin ayaa la sheegay inaysan wax mushaar ah ku qaadanin Hawlgalladda Dagaal ee lagu hawl-geliyo. Ilo-wareedyo ay soo xigatay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa lagu muujiyey inaysan Dagaalamayaasha aan guursanin ee Kooxda Daacish aan haba yaraatee la siinin wax mushaar ama gunno ah. Maleeshiyadda Xaasaska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maleeshiyadda u daacadda ah Madaxa Daacish-ta Somalia, Sheekh C/qaadir Muumin ayaa la sheegay inaysan wax mushaar ah ku qaadanin Hawlgalladda Dagaal ee lagu hawl-geliyo.

Ilo-wareedyo ay soo xigatay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa lagu muujiyey inaysan Dagaalamayaasha aan guursanin ee Kooxda Daacish aan haba yaraatee la siinin wax mushaar ama gunno ah.

- Advertisement -

Maleeshiyadda Xaasaska qaba ayaa iyagana la sheegay in bishii la siiyo 50-Dollar, halka carruurta yar ee Kooxda Daacish askaraysay bishii la siiyo mushaar u dhexeeya 10 Dollar ilaa 20-Dollar, iyadoo lagu salaynayo hadba da’dooda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Mushaaraadka Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee ku sugan Puntland la siiyo bil kasta lagu qiyaaso 2,000 oo Dollar ilaa 4,000 oo Dollar, iyadoo Hoggaamiyayaasha Kooxdaasi  ku kharaj gareeyaan Maleeshiyadooda Lacag xadidan oo ay u soo diraan Hoggaamiyayaasha Daacish ee ku sugan dalalka Syria iyo Iraq..

Dhinaca kale, Warbixin ay soo saartay Kooxda QM ee La-socodka Arrimaha Somalia (The UN monitoring group for Somalia) ayaa lagu sheegay in Kooxda Daacish-ta Puntland oo la asaasay sannadkii hore lagu bilaabay Tobanaan Maleeshiyo, balse ay haatan kordheen oo ay gaarayaan ilaa 200-Maleeshiyo u daacad ah Sheekh C/qaadir Muumin oo ah Muwaadin British laga kansal gareeyey Baasaboorkiisa.

- Advertisement -

Telefoono laga duubay Sheekh C/qaadir Muumin ayaa muujinaya inuu xiriir la sameeyey Hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku sugan dalka Yemen, kaasi oo matala Hoggaamiyayaasha Sarsare ee Daacish-ta ku sugan Syria iyo Iraq.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts