HomeCaalamkaMadaxweynaha Masar oo dhigiisa Somalia u muujiyey Taageeradda Midnimadda Somalia

Madaxweynaha Masar oo dhigiisa Somalia u muujiyey Taageeradda Midnimadda Somalia

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Warbaahinta dalka Masar ayaa sheegtay inuu Madaxweyne C/fataax Al-sisi uu Wicitaan Telefoon ka helay dhigiisa dalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo Aragtida Masar ka taagan tahay Midnimadda Somalia. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku dheeraaday Xiriirka Taariikhig ee labada Waddan, wuxuuna bogaadiyey doorka Dowladda ku taageerayso Somalia iyo Taageeradda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warbaahinta dalka Masar ayaa sheegtay inuu Madaxweyne C/fataax Al-sisi uu Wicitaan Telefoon ka helay dhigiisa dalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo Aragtida Masar ka taagan tahay Midnimadda Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku dheeraaday Xiriirka Taariikhig ee labada Waddan, wuxuuna bogaadiyey doorka Dowladda ku taageerayso Somalia iyo Taageeradda lagu soo celinayo Deganaanshaha Somalia.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu ka mahad celiyey  Taageeradda Farsamo ee ay Masar siinayso Somalia, gaar ahaan Difaaca Danaha Somalia ee Heer Gobal iyo Heer Caalami.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhigiisa dalka Masar warbixin ka siiyeey Horumaradii ugu dambeeyey ee laga gaaray Xaalladda Somalia, Tallaabooyinka asy DFS ee soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka iyo caqabadaha hor taagan, gaar ahaan La-dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-sisi waxa uu qiray inuu Xiriir Xooggan ka dhexeeyo Masar iyo Somalia, isla markaana Dowladiisa taageero ka geysan doonto Midnimadda Somalia.

- Advertisement -

Waxa kale oo Madaxweyne C/fataax Al-sisi sheegay inay sii wadi doonaan Taageeradda Farsamo ee ay siiyaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Nabadda iyo Deganaanshaha.

Si kastaba ha ahaatee, Wada-hadalka Khadka Telefoonka ku dhex maray Labada Madaxweyne  ayaa la sheegay inuu daba socdo Booqashadii uu Madaxweyne Farmaajo bishii August 20-dii ilaa 22-dii ku tegay  caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Dowladda Masar waxay ka mid tahay Dowladaha Isbahaysiga Khaliijka ee xayiraadda ku soo rogay dalka Qatar, halka DFS sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay Qaddiyadaasi, inkastoo ay Maamul-gobaleedyadda taageereen Isbahaysiga Sacuudig.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts