HomeCaalamkaAskar Kenyan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Magaalada Mombasa

Askar Kenyan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Magaalada Mombasa

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dagaalyahano lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay maanta toogasho ku dileen 2 Askar Kenyan oo ilaalo ka haysay Kaniisad ku taalla Degmadda Likunda ee Koonfurta magaalladda Mombasa. Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta, Larry Kiyeng oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in 4 nin oo hubeysan ay toogteen 2 Askari oo ilaalo ka […]

- Advertisement -

Dagaalyahano lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay maanta toogasho ku dileen 2 Askar Kenyan oo ilaalo ka haysay Kaniisad ku taalla Degmadda Likunda ee Koonfurta magaalladda Mombasa.

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta, Larry Kiyeng oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in 4 nin oo hubeysan ay toogteen 2 Askari oo ilaalo ka haysay Kaniisada Waxa uu intaasi ku daray in ragga hubeysan oo lala xiriirnayo Alshabaab ay ku baxsadeen Mooto, iyagoo horey u sii qaatay 2-qori oo noocoodu ahaa AK 47 oo ay lahaayeen Askarta la dilay..

- Advertisement -

Mid ka mid ah Saraakiisha la dilay waxaa laga toogtay madaxa, isagoo ku geeriyooday isla goobtii, halka Sarkaalka kale uu ku geeriyooday Isbitaalka”? ayuu yiri Taliyaha Bolis-gobaleedka Gobalka Xeebta ee dalka Kenya. Mar wax laga weydiiyey inuu xaqiijin karo inay Alshabaab ka dambeeyeen dilkaasi, waxa uu sheegay inay xilli hore tahay in la sheego dadkii ku lug lahaa dilkaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dabeecadda weerarkaasi la mid yahay Hawlgalladda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay..

Dilka ka dhacay Koonfurta Mombasa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Boliska Kenya jid-gooyo dhigteen, si ay Gaadiidka uga baaraan Hubka iyo dadka la tuhunsan yahay

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories