HomeCaalamkaCiidamo ka socda dowladda Turkiga oo gaaray magaalladda Doha ee dalka Qatar

Ciidamo ka socda dowladda Turkiga oo gaaray magaalladda Doha ee dalka Qatar

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka difaaca dowladda Qatar ayaa shaaciyay in ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Turkiga ay soo gaareen magaalladda Doha ee caasimada dalka Qatar, si ay uga qeyb-qaataan dhoola tus military oo wada jir ah. Ciidamada ayaa tababaradoodii ugu horeeyay ka bixinaya saldhiga military ee lagu magacaabo Tariq bin Ziyad base. Tababarkan ayaa waxaa uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka difaaca dowladda Qatar ayaa shaaciyay in ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Turkiga ay soo gaareen magaalladda Doha ee caasimada dalka Qatar, si ay uga qeyb-qaataan dhoola tus military oo wada jir ah.

Ciidamada ayaa tababaradoodii ugu horeeyay ka bixinaya saldhiga military ee lagu magacaabo Tariq bin Ziyad base.

- Advertisement -

Tababarkan ayaa waxaa uu yahay mid muddo la qorsheynayay, waxaana uu qeyb ka ahaa heshiis laba dhinac ah oo dowladdaha ay wada gaareen, kaas oo lagu adkeynayo awooda labada waddan iyo sidii deganaashaha iyo xasiloonida loo darsi lahaa.

Heshiiskaasi ayaa la wada saxiixay bishii April ee sanadkii 2016.

Horaantii bishan Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meelmariyay hindise oggolaanaya in ciidamo Turkish ah loo daadgureeyo dalka Qatar.

- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa safka hore kaga jirta waddamada taageersan dowladda Qatar tan iyo 5-tii bishan June markii uu soo bilowday khilaafka u dhexeeya waddamada Khaliijka iyo Qatar.

Booliiska oo xabsiga dhigay nin gaari jiirsiiyay dad ku sugnaa nawaaxiga masjid ku yaalla London

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari la jiirsiiyay ama la dulmariyay dad ku sugnaa hareeraha waddo aad ugu dhow masjid ku yaalla waqooyiga magaalladda London.

Police-ka magaalladda ayaa sheegay in ay la tacaaleen dadkii ku dhaawacmay shilka, waxaana ay diideen in weerarka uu la xiriiro mid argagixiso.

Sidoo kale ciidamada nabadgelyada ayaa xabsiga dhigay nin 48 jir ah oo lala xiriiriyay shilka ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.

Shilkan wuxuu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobtaas isku gadaamay.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasab ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka.

Shilka markii uu dhacay kadib ciidamada ayaa xiray waddooyin badan oo ka agdhaw masjidka, waxaana ay sameyeen howgallo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts