HomeMaqalWareysi:-Dhamme Cabdi Cali Raage”Taliyihii aan ka weynay Mushaarkeenii 9 Bilood ayaa...

Wareysi:-Dhamme Cabdi Cali Raage”Taliyihii aan ka weynay Mushaarkeenii 9 Bilood ayaa xilkii lagu soo celiyay”

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Dhamme Cabdi Sheekh Cali Raage oo ah Kabtan Ka Tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la soo xiriiray Radio Dalsan ayaa sheegay In uu cabasho ka yahay taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu kaga maqan yahay mushaar 9 Bilood ah. Waxa uu sheegay in isaga uu Ciidamada Asluubta ka tirsanaa mudo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dhamme Cabdi Sheekh Cali Raage oo ah Kabtan Ka Tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la soo xiriiray Radio Dalsan ayaa sheegay In uu cabasho ka yahay taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu kaga maqan yahay mushaar 9 Bilood ah.

Waxa uu sheegay in isaga uu Ciidamada Asluubta ka tirsanaa mudo 46 Sano ah isla markaana uu Ciidnka Asluubta ku soo biiray Sanadkii 1972 sidoo kalena Saraakiisha Ciidamada iyo Dableyda hadda la qoray ay isku mushaar yihiin.

- Advertisement -

Isaga oo ka hadlayay Cabashada uu qabo ayaa wax uu sheegay in Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xiligii ay jirtay uu ka maqan yahay mushaar 9 Bilood ah, Saddex Bilood oo Guno ah iyo arashin intaba xiligaasna uu taliye ka ahaa Ciidanka Asluubta Soomaaliya taliyaha cusub ee hadda la wareegay xilka  ee Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada kale ee dowladda aysan kala sineyn mushaar ku qaadashada darajooyinka maadaama iyaga Saraakiishooda iyo ciidamada intaba ay isku mushaar yihiin.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in shalay xili ay socotay Xaflada xil wareejinta taliyaasha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed uu doonayay in Wasiirka Cadaalada uu kala hadlo cabashada ay qabaan balse taasi ay u suurtagali weysay kadib markii Madaxdi oo dhan ay meel cidlo ah uga dhaqaaqeen.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts