Iyadoo Maanta afar bilood laga joogo qaraxii Soobe ee lagu dilay dadka kor u dhaafaya Shanta boqol oo qof ayaa gudigii gurmadka ee loo sameeyay inay caawiyaan dadka waxyeeladu soo gaartay waxay maanta lacago ku wareejiyeen 81 qof oo u badan waalidiintii dadkooda ku waayay qaraxaasi.
Gudiga ayaa sheegay inay todobaadka dambe soo gabagabayn doonaan hawllihii gurmadka ahaa ee ay mudadaasi soo hayeen iyagoo intaa ku daray in lacag kabadan afar milyan oo doolar ay soo gaartay, inteedii badnaydna ay bixiyeen.
Gurmadkan ayaa waxaa ka faa’iideystay 81 Ruux oo Eheladoodu ay ku dhinteen qaraxaas,waxana midkiiba lasiiyay lacag dhan $700 oo Dollar.
Gudoomiyaha Gudiga Gurmad Qaran Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa Warabahinta u faah faahiyay Cadadka lacagaha ay Maanta bixiyeen iyo qorshahooda xiga.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gudiga Gurmad Qaran Cabdullaahi Maxamed Shirwac.