Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in Khamiista Berito ah oo ku beegan 15/2/2018 ay ka dhacdo doorashada kuris ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kursigaan ayaa ah mid uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Wasiirkii Howlaha guud iyo Guryenta Xukuumadda Soomaaliya Cabaas Siraaji,iyada oo ay ku tartami doonaan musharixiin farabadan.
Shalay waxaa Kismaayo gaaray Xubno ay hogaamineysay Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yareey) taas oo shaacisay in doorashadaas ay beri ka dhaceyso Kismaayo.
Waxa ay sheegtay in Maaanta ay sameynayan iskudaba-ridka doorashadaas iyo sidii loo hubin lahaa Ergada wax dooraneyso,sidoo kalena ay ka fikirayaan dhanka Ammaanka.
Ergada wax dooraneysa iyo sidoo kale musharixiinta Kursigaas oo uu ka mid yahay Walaalka Marxuum Cabaas Siraaji oo lagu Magacaabo Maxamuud Siraaji ayaa ku sugan Kismaayo kuwaas oo doorashada isku diyaarinaya.
Gudiga doorashooyinka ayaa qorsheynaya in ay dhameystiraan doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka oo ay ka harsan tahay Saddex Kursi,waxaana dhawaan doorasho kursi ka mid ah Golaha Shacabka ay ku qabteen Jowhar ku guuleystay Nuur Iidow Beyle oo ka guuleystay taliyihii hore ee Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Hoos Ka Dhageyso Xaliimo Yareey.