Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marka hore soo hadal qaaday Ciidamada Imaaraadka uu tababaray ee ku sugan Xero ku taalla Gudaha Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Madaxweynha in ciidamadaas ay yihiin kuwo ka tirsan ciidamada dowladda isla markaana ay ka qeyb qaadaan howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka ay marwalba ka fuliyeen Gobolada dalka soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya lasii ballaarin doono maadaama Al-Shabaab aan looga adkaan Karin in dhulka kaliya lagala dagaalamo ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale waxa auu sheegay in Saraakiisha Mareyknka uu kala hadlay in ay bartilmaamedsadan kaliya Goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab si asyan waxyeelo u soo gaarin dadka Shacabka ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.