HomeMaqalDhageyso:-Warar dheeraad ah weerarkii Saldhiga Bartamaha Boosaaso

Dhageyso:-Warar dheeraad ah weerarkii Saldhiga Bartamaha Boosaaso

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Xalay fiidkii ayaa Kooxo hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen Saldhigga Bartamaha Boosaaso oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland,waxana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday. Weerarka ayaa Dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in uu marka hore ku bilaawday bambaanooyinka Gacanta laga tuuro is la markaana ay xigtay rasaas farabadan oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xalay fiidkii ayaa Kooxo hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen Saldhigga Bartamaha Boosaaso oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland,waxana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday.

Weerarka ayaa Dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in uu marka hore ku bilaawday bambaanooyinka Gacanta laga tuuro is la markaana ay xigtay rasaas farabadan oo ay isku ridayeen kooxihii soo weeraray iyo ciidamada Puntland.

- Advertisement -

In kastoo Maamulka Puntland uusan weli sirsmi ah dagaalkaas u faah faahin ayaa hadana waxaa la soo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen laba Askari iyo taliye ku xigeenka Saldhiga Bartamaha Axmed Maxamed Cali Sanweyne.

Xiligii uu weerarka socday ayaa Ciidamada Puntland waxa ay sameeyeen howlgal ay ku qabteen ilaa 4 ruux kuwaas oo Saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen in looga shakiyay in ay qeyb ka ahaayeen weerarkaas isla markaana haatan ay baaritaano ku hayaan.

Mudo kooban kadib Guud ahaan amniga Boosaaso iyo hareeraha Xaafadaha ku dhaw dhaw Saldhiga waxaa la wareegay ciidamada Puntland kuwaas oo amniga si weyn u xaqiijinayay.

- Advertisement -

Wararkii u dambeeyay ee saakay nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay howlgal ka wadaan Xaafada ku teedsan Saldhiga Bartamaha balse jawiga kale ee Boosaaso uu yahay mid caadi ah.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf  ayaa si kooban dagaalkaas uga hadlay wax yar ka hor xiligii uu weerarka dhacay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts