Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo – Sally Jones iyo wiilkeeda oo 13-jir ah lagu dilay duqeyn ay Drones Maraykanka bishii June ee sannadkan ka geysteen gudaha dalka Syria.
Haweeneydaasi oo Diinta Islaamka qaadatay, waxay Kooxda Daacish u tashkiilin jirtey Haweenka, waxaana aad u baadi-goobi jirey Boliska Caalamiga iyo dalal ay Britain iyo Kenya ka mid yihiin.
Ilo Sirdoonka Britain oo la hadlay Wargeyska The Sun ayaa sheegay  inay Sirdoonka UK iyo kuwa Maraykanka is-dhaafsadeen xogta ku aadan dilkii Carmalada Cad ee Sally Jones .
Wargeyska The Sun ayaa soo weriyey in Haweeneydaasi iyo wiilkeeda lagu dilay bishii June meel ku dhow xuduudka ay wadaagaan dalalka Syria iyo Iraq.
Waxaa la sheegay in iyada iyo wiilkeeda lagu dilay mar ay doonaysay inay ka baxsadaan magaalladda Raqah oo ay Kooxda Daacish ku xooggan yihiin.
Madaxda Sirdoonka Maraykanka waxay sheegeen inaysan 100% xaqiijin Karin in la dilay Sally Jones iyo Wiilkeeda, maadaama ay adag tahay in dheecaankooda Hiddo-sidaha ee DNA laga soo qaado goobtii lagu dilay.
Saraakiisha waxay intaasi raaciyeen inay ku kalsoon yihiin inay Sally Jones  iyo wiilkeeda oo la oran jirey Jolo wada geeriyooteen..
Wargeyska The Sun waxa kale oo uu qoray in duqeyntaasi lagu dilay 15 Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Daacish
Dhinaca kale, Wargeyska The Sun waxa uu qoray in Saygeeda oo la oran jirey Junayd Xuseen, kana tirsanaa Kooxda Daacish  lagu dilay weerar ay Diyaarad Drones-ka Maraykanka ka geysatay dalka Syria sannadkii 2015-kii.