Kadib markii dhawaan Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Maamulka Galmudug taas oo uu ku mamnuucay in Garoomada Diyaaradaha deeganada Galmudug aysan ka soo degi Karin Diyaarado wada Siyaasiyiin ka tegay Muqdisho marka laga reebo kuwa Hay’addaha UN-ka iyo kuw Amisom balse Go’aankaas uu haatan la laabtay.
Afhayeenka Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Roob Da’ay oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in dib loo fasaxay Diyaaradaha ka imaanaya Muqdisho ee ka soo degaya Garoomada Diyaaradaha Galmudug deegaanada uu ka taliyo  ku yaalla.
Waxa uu sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya la fasaxay,isla markaana sababta ugu weyneyd ee loo xiray ay aheyd in laga hortago faragelin dhinac walba ah oo ay dowladda Federaalka ku heysay Maamulka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.
Xiisadii u dhaxeysay madaxda Maamulka Galmudug ayaa weli taagan, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa ay soo saarayaan Wareegtooyin isdiidaya taas oo xiisada kor u sii qaaday.
Hoos Ka Dhageytso Wareysiga Afhayeenka Galmudug.