Waxaa Manta Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ay howgalo ka wadaan degmooyin ak tirsan gobolkaan Banaadir howlgalladaas oo lagu xaqiijinayo d hanka amniga.
Qaar ka mid ah Isgoysyada Waaweyn ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa  Ciidamada oo dadka iyo Gaadiidka baaraya,sidoo kale waxa uu howgalka intiisa badan ka socdaan Xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar-Jajab iyo Waaberi ee Gobolkaan Banaadir.
Wadada Maka-Almukarama ayaa ka mid ah goobaha sida weyn ay Ciidamadu dadka ugu baarayaan halka mararka qaar ay dadka Gawaarida ka dejinayaan islamarkaana ay baarayaan.
Tan iyo wixii ka dambeeyay Bisha Ramadaan ayaa Ciidamada xasilinta amniga waxa ay wadeen howlgallo lagu sugayo amniga iyadoo taasi ay keentay in xoogaa Nabadgelyo ah la dareemay.