Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya iyo Xubno la socday ayaa Maanta booqasho markale ku tagay dekadda weyn ee Magaalada muqdisho oo xiligaan ayuka socdaan Shaqooyin farabadan oo aad u adag.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu indha indheeyay qaabka ay Dekadda u Shaqeyso iyo qaabka loo maareeyo Dhaqaalaha ka soo xarooda Dekadda ee laga qaado Ganacsatada wax kala soo dega Dekadda.
Dekadda ayaa dhawaan waxaa loo magacaabay Maamul Cusub iyadoo isbedel lagu sameeyay kii horay u jiray,waxaana Ra;iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay masuuliyiinta dekadda isagoo kula dardaarmay in ay dhowraan masuuliyadii loo dhiibay maadaama dowladdan hada jirta ay wado qorsho lagula xisaabtamayo Shaqaalaha iyo Madaxda dowladda Somaaliya.
Waa markii labaad oo uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khyere,uu booqdo Dekadda weyn ee Muqdisho waxana horay uu u booqday Xarumo Wasaarado oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.