Dadkaasi ayaa la sheegay inay ka cararayeen dagaalka Muslim-nacaybka ee ay kala kulmaan dalkaasi, waxayna doonida kula degtay Webiga lagu magacaabo Naf oo ku yaalla meel ku dhow Xuduudka uu dalkaasi la wadaago Bangaladesh.
Kalluumeyste u dhashay Bangaaladesh oo lagu magacaabo Suman Das ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP inuu soo badbaadiyey Haweeney, taasi oo sheegtay inay doonida qalibantay, kadib, markii ay soo cayrsatay dooni nooca dheereysa oo ay leeyihiin Milliteriga Mayanmar.
Waxaa kaloo haweeneydaasi laga soo xigtay inay doonidooda oo aad uga buuxeen Qaxooti Muslimiin ah, kuwaasi oo doonayey inay soo galaan dalka Bangaladesh.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka UNB ayaa soo werisay inay ugu yaraan 31 qof oo Muslimiinta Rohingya la socdeen doonida degtay.
Qiyaastii 30,000 oo Muslimiinta Rohingya ayaa lagu khasbay inay ka soo cararaan guryahooda oo ku yaalla Gobalka Rakhine ee Galbeedka dalka Mayanmar oo horey loo oran jirey Barma.
©Radio Dalsan