Wasiirka Amniga ee dalkaasi, Luhut Pandjaitan ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay caasimadda dalkaasi ee Jakarta, wuxuuna xusay inay ka baqanayaan inay Burcad-baaddeeda ku soo xoogeystaan bad-mareenka mashquulka leh ee ay Maraakiibta maraan ee u dhexeeya xuduud-baddeedka ay la wadaagaan dalka Filibiin.
“Ma doonayno inaan aragno inay Baddeenna noqoto sida Badda Somalia, waana inaan adkeyno Ammaanka Badda ee Biyaha Filibiin ee Badda The Sulu Sea, halkaasi oo ay ka dhaceen falal lagu afduubtay Badmaaxiin†ayuu yiri Wasiirka Amniga ee dalka Indonesia.
Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiil ka kala socota Dowladaha Inodnesia iyo Filibiin ka wada xaajoon doonaan sidii ilaalo isku dhaf ah u sugi lahaayeen Ammaanka Badda u dhexeysa labada dal.
Ma uusan sheegin xilliga rasmiga ee ay Saraakiisha labada dhinac kulmi doonaan, inkastoo uu xusay inay Taliyayaasha Ciiddamadda ee dalalka Indonesia, Malaysia iyo Filibiin bisha soo socoto ee May 3-da kulan ku yeelan doonaan magaalladda Jakarta.
Qeylo-dhaantaasi dhinaca Burcad-baddeeda ayaa soo baxday iyadoo Maleeshiyadda Kooxda Abu Sayaaf ee  Isbahaysi la ah Ururka Alqaacida ay 18 Badmaaxiin u kala dhashay Indonesia iyo Malaysia ka qafaasheen Xeebaha Indonesia
Kooxda Abu Sayaaf ee ka dagaalanta Koonfurta Filibiin, waxay  codsadeen lacag madax-furasho oo dhan 1.1 million oo Dollar si ay u sii daayaan Badmaaxiinta Reer Indonesia ee ay afduubka u haystaan.
Dhinaca kale, Xarunta La-socodka Falalka Burcad-baddeed ee ku taalla Caasimadda dalka Malaysia ee Kuwala Lumpur waxay Toddobaadkii hore uga digtay khatarta cusub ee ay Kooxda Abu Sayaaf ku bilaabeen inay qafaashaan Badmaaxiinta iyo Maraakiibta isticmaala Badda u dhexeysa dalalka Filibiin iyo Malaysia.
©Radio Dalsan