Maamul Goboleedka Puntland ayaa si kulul uga jawaabay hadal shalay kasoo baxay dowladda dhexe ee federaalka oo ku aaddanaa in dowladdu ay degaanada mamaulka Puntland ka fulisay howgallo qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamaayasha Alshabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba sheegashada dowladda ay tahay wax kama jiraan, aysana jirin wax howgallo ah oo dowladdu ka fulisay degaaanada maamulkaasi.
Qoraal shalay kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu yiri “In ka badan 20 AS ah oo ay ku jiraan saddex horjooge ayaa lagu laayay tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Caalmadow ee deegaannada Puntlandâ€.
Qoraalka lagu faafiyay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in Hawlgalka  lagu bar-tilmaameedsaday xero ay dagaalamayaasha AS ah ay isku aruursanayeen taas oo ku taalla buuraha Caalmadow.
Sidoo kale wasiiro ka tirsan maamulka Puntland ayaa dhankooda si kulul uga jawaabay hadalka dowladda, waxaana ay sheegeen in dowladdu aysan degaanada maamulkaas ka fulin howgallo ka dhan ah Ashabaab, gaar ahaan Calmadow.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA KASOO BAXAY PUNTLAND