Maamulka Soomaaliland ayaa maanta u dabbaaldegaya sannadguurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga, waxaana meelo badan oo gudaha Somaliland iyo dalalka debedda ahba ka dhacaya xaflado arrintaas ku saabsan.
Madax uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi inay maanta oo sabti khudbad ka jeedinaya Munaasabada ugu ballaaran ee xuska 18 May oo ka socota magaalasa Hargeysa ee caasimadda Maamulkaasi.
Madaxweyne Bixii ayaa khudbadiisa uga hadli doona arrimo dhowr ah oo kamid yihiin xaaladda guud ee deegaannada Somaliland, doorashooyinka kusoo foolka leh Maamulka, heshiiskii ay la galeen Itoobiya iyo arrimo kale oo ku aadan dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo qaar kale oo kamid ah mas’uuliyiinta Somaliland ayaa xalay hadal u jeediyey shacabka.
Si kastaba, Somaliland ayaa sanad kasta u dabaaldagta xuska 18 May oo ah markii ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, iyagoona dalalka caalamka ka raadiya aqoonsi ah in loo aqoonsado dowlad madax bannaan.