Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa kulan ku yeeshay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada Hirshabeeelle iyo Galmudug.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Liiska Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed oo maalin kahor looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo.
Wasiirada iyo Xildhibaanada ka qeyb galay kulanka ayaa waxaa la sheegay in siweyn ay uga soo horjeesteen Liiska Xildhibaanada Cusub ee Koonfur Galbeed, iyagoona sheegay in aan loo marin soo xulista Xildhibaanada habkii loo baahnaa.
Sawirro laga soo qaaday Wasiirada iyo Xildhibaanada ka qeyb galay kulanka laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa waxaa kasoo muuqday Xildhibaan Mahad Salaad, Axmed Fiqi, Saabir Shuriye, Khaliif Cabdi Cumar, Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid iyo kuwo kale.
Sidoo kale Wasiirada ka qeyb ahaa kulankaas ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka amniga Xukuumadda Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Ganacsiga Eng. Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoona kasoo horjeestay Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa la sheegay in kul7anka sigaar ah loogu casuumay, isla markaana la xusay in wax laga weydiin lahaa Liiska Xildhibaannada Koofur Galbeed, hayeeshee waxaa uu ka baaqda.