Diyaarad nooca dagaalka ay leedahay dowladda Kenya ayaa saqdii dhexe ee xalay Gobolka Gedo ka geyastay duqeyn diyaaradeed, waxaana kasoo baxaya duqeyntaas  warar kala duwan.
Duqeynta ayaa sigaar ah uga dhacday deegaanada kala ah xiisa-Guur, Samaroole iyo Warbele oo dhamantood hoostaga Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, isla markaana waxaa duqeynta ka dhashay Khasaaro kala duwan.
Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen jugta ku dhawaad 12 Gantaal oo ku dhacayay deegaandaas, iyagoona sheekada hore ka arkayay Qiir iyo uuro madow oo cirka isku shareertay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in duqeynta Ciidanka Kenya ay sigaar ula bartilmaameedsadeen Xaruntii Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ay ku laheyd deegaanka xiisa-Guur, isla markaana lagu garaacay dhowr gantaal.
Sarkaal Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa uu u sheegay in xalay ay maqlayeen jugta duqeynta, isagoona sheegay in aan weli la ogeyn Khasaaraha nafeed iyo mid hantiyadeed ee duqeynta ka dhashay.
Sidoo kale Sarkaalka ayaa waxaa uu tilmaamay inay ka cabsi qabaan in markale diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeymo kale ka fuliyaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo .
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan duqeyntii Kenya ay ka geysatay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, sidoo kalena lagu burburiyay Xarun ay laheyd Shirka Hormuud.