Guddoomiyaha Gobalka Mandera ee W/bari Kenya, Ali Roba ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu la yeeshay Guddiga Ammaanka ee Mandera, wuxuuna tilmaamay inuu derbigaasi xaqiijin doono Ammaanka guud ee dalka Kenya, isla markaana uu xayirayo Dagaalamayaasha Alshabaab ee ka soo tallaaba Xuduudka.
“Maamulkayga waxay ku taageerayaan Dowladda Qaranka qorshaha Mashruucaasi, waayo waxa uu Derbigu taageero ka geysan doonaa Deganaanshaha Mandera†ayuu yiri Ali Roba,
Guddoomiyaha Gobalka Madnera, oo dhowr jeer ka badbaaday Weerar ay Alshabaab la beegsadeen, waxa kaloo uu tilmaamay inuu Derbigaas yareyn doono Dembiyadda ka dhaca Mandera.
Mar uu ka hadlayey qaabka dhismaha ee Derbiga, waxa uu xusay in derbiga dheer  loo samayn doono baro laga soo galo, lagana baxo, laguna rakibayo qalab baaritaan fiican leh oo lagula soconayo Ammaanka Xuduudaha.
Ali Roba waxa uu ku dooday inuu Derbigaasi muhiim yahay ilaa inta uu dalka Somalia ka noqonayo Waddan Xasilloon oo Nabad ah, wuxuuna dhinaca kale sheegay in derbiga la burburin doono marka ay Xaalladda Somalia caadi ku soo laabato.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, ayaa qorsheynayso Dhismaha Derbiga Ammaanka ee laga dhisayo Xuduudka Somalia iyo Kenya, kaasi oo dhinaca Kenya ka dherersanaan doona Mandera ilaa Laamu.
Dowladda Federalka Somalia waxay cambaaraysay qorshaha lagu dhisayo Derbigaas, oo ay ku tilmaamtay mid kala xayirayo Isku-gudubka labada Waddan.