HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Qorsheyaal la wadaagay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qorsheyaal la wadaagay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed kaasi oo lagaga arrinsaday dib u heshiisiinta iyo xoreynta deegaannada Maamulka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehelinayo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo qorshuhu yahay in waqti kooban lagu soo gabagabeeyo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta ka qeyb galay shirkan in ay qaataan masuuliyadda ka saran adkeynta xoraynta deegaanka iyo Ilaalinta wadajirka shacabka si loo helo Koonfur-galbeed xasilloon, heshiis ah, isla markaana xor ka ah Al-shabaab.

Kulankan waxaa ka qayb galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories