HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Dalab hordhigay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalab hordhigay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ayaa ka dalbaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka.

Xasan Sheekh ayaa xusay in Odayaasha dhaqanka haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka iyo wax wada qabsiga.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta, dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab, xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalinkii lixaad ku sugan magaalada Baydhaba ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhabo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories