HomeMaqalDhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre”Dalka waxaan gaarsiin doonaa doorasho qof iyo Cod ah”.

Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre”Dalka waxaan gaarsiin doonaa doorasho qof iyo Cod ah”.

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda garsoorka dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka, yaraynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad wanaagga, hir-gelinta siyaasad lagu wada qanacsanyahay iyo aaminaadda dunida ay ku xiranyihiin hir-gelinta Garsoor iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan. Casho […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda garsoorka dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka, yaraynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad wanaagga, hir-gelinta siyaasad lagu wada qanacsanyahay iyo aaminaadda dunida ay ku xiranyihiin hir-gelinta Garsoor iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan.

Casho Sharafta oo ay kasoo qayb galeen guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha qaranka, garsoorka gobalka Banaadir iyo dawlad gobaleedyada ayaa muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta garsoorka dalka.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madaxda garsoorka dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qof walba,ha ahaado Oday dhaqameed,Aqoonyahan,Siyaasi iyo Culumo in uu ka Shaqeeyo in dalkaan Nabad lagu soo dabaalo,waxana uu ballan qaaday inay dalka gaarsiin doonaan doorasho qof iyo Cod ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts