HomeMaqalDhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay heyso Qalabka Idaacadii Al-Shabaab

Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay heyso Qalabka Idaacadii Al-Shabaab

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 12/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 10/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis  ayaa guul Taariikhi ah ku tilmaamay talaabadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula wareegeen Qalabkii Idaacadii Al-shabaab ee Al-Andulus. Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburioyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka […]

- Advertisement -

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis  ayaa guul Taariikhi ah ku tilmaamay talaabadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula wareegeen Qalabkii Idaacadii Al-shabaab ee Al-Andulus.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburioyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, sida Mubaarak,Awdheegle,Sablaale,Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale.

- Advertisement -

Qalabkii laga soo furtay Idaacadii Al-Shabaab ee ku taalay deegaanka Mubaarak ayaa la soo gaarsiyay magaalada Muqdisho,iyadoo ay gacanta ku hayaan Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya,sida uu xaqiijiyay Mudane C/raxmaan Iidaan siihayaha Wasiirka Warfaafinta.

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhiyay bilihii ugu dambeeyey howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab,waxaana howlgaladii ugu dambeeyey ay ka dheceen Gobolada Gedo,Shabeelooyinka iyo Hiiraan,kuwaasi oo Alshabaab looga qabsaday deegaanno badan sida ay sheegeen saraakisha ciidamada xoogga dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Siihayaha Wasiirka Warafafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories