HomeMaqalDhageyso:-Raashin ku halaabay Bakhaarada Dekada Muqdisho oo la gubay+Sawirro

Dhageyso:-Raashin ku halaabay Bakhaarada Dekada Muqdisho oo la gubay+Sawirro

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Raashinkan ayaa Maanta waxaa lagu gubay deegaanka Gubadley ee duleedka Bari degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir wax uuna ahaa Bur Ganacsatada leh ay sheegeen in uu ku halaabay Bakhaarada Keydka ee Dekada Muqdisho. Waa arrin Ugub ku ah Ganacsiga Soomaaliya in Ganacsatadu ay gubaan raashin Lacag badan ay ku bixiyeen kadib markii uu ku halaabay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Raashinkan ayaa Maanta waxaa lagu gubay deegaanka Gubadley ee duleedka Bari degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir wax uuna ahaa Bur Ganacsatada leh ay sheegeen in uu ku halaabay Bakhaarada Keydka ee Dekada Muqdisho.

Waa arrin Ugub ku ah Ganacsiga Soomaaliya in Ganacsatadu ay gubaan raashin Lacag badan ay ku bixiyeen kadib markii uu ku halaabay Bakhaaradii lagu keydinayay.

- Advertisement -

Saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Goobjoog ka ahaa halka lagu gubayay Rashinkaan oo ah deegaanka gubadleey ee duleedka Muqdisho,waxa ayna Ganacsatada leh raashinkan ku amaaneyn tallaabadaan ay qaadeen.

Cabdiraxmaan Yuusuf Ibraahim oo ka mid ah Ganacsatada iskaleh Burka Maanta la gubay ayaa isaga oo Warabahinta kula hadlayay Gudaha Dekada Muqdisho uu sheegay in raashinkaan ay u gubeen in uusan saameyn ku yeelan Bulshada isla markaana uusan aheyn bur dhacay uuna soo baxay Bisha 4,aad Sanadkii tegay ee 2017 isla markaana uu dhacayo Sanada 2019 Bisha 4,aad.

Taliye ku xigeenka Saldhigga Booliska Dekada Muqdisho Gaashaanle Dhexe Maxamed Ibaraahim Xeyle ayaa sheegay in uu ku amaanayo tallaabadaan ay qaadeen Ganacsatada taas oo ah mid looga hortagayay in uu saameyn ku yeesho Shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Sikastaba tallaabadaan ay Ganacsatada Soomaaliyeed Maanta ay ku gubeen Bur ku halaabay Bakhaaro ku yaalla Dekada Muqdisho ayaa ah mid aan horay loogu arag Ganacsatada wax uuna ku soo aadayaa xili 17 Bishaan Maamulka gobolka Banaadir uu Daawooyin ku gubay isla deegaanka Gubadleey ee duleedka Bari Degmada Kaaraan.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Taliyaha iyo Ganacsadaha kana Daawo Sawirrada

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts