HomeMaqalDhageyso:-Munaasabada Xuska 45-Sano guuradii ka soo wareegtay hirgelinta qorista farta Soomaaliga oo...

Dhageyso:-Munaasabada Xuska 45-Sano guuradii ka soo wareegtay hirgelinta qorista farta Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, laguna qabtay xarunta Akadeemiyada ayaa waxaa ka qeybgalay R/wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirudowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, gudoomiyaha gudiga Qaran ee shaqada iyo shaqaalaha, Aqoonyahanno, martisharaf kale oo lagu casuumay xafladda iyo kooxda fanaaniinta Iftin oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, laguna qabtay xarunta Akadeemiyada ayaa waxaa ka qeybgalay R/wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirudowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, gudoomiyaha gudiga Qaran ee shaqada iyo shaqaalaha, Aqoonyahanno, martisharaf kale oo lagu casuumay xafladda iyo kooxda fanaaniinta Iftin oo halkaasi ku soo bandhigay heeso ka tarjumaya isticmaalka Farta Soomaaliga..

Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliya C/qaadir Nuur Xuseen oo furitaanki munaasabadaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka hadalka taariikhda qorista farta Soomaaliga, marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo dadaalladii lagu bixiyay arrintaasi.

- Advertisement -

Prof. Ciise Maxamed Siyaad oo ah ku xigeenka gudoomiyaha Akadeemiyada ayaa ka hadlay qiimaha qoraalka Farta Soomaaliga isagoo ku boorriyay bulshada in ay u soo jeestaan soo nooleynta qiimaha afka Soomaaliga.

Wasiirudowlada wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare C/raxmaan Maxamed Cabdulle oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ahmiyad gaar siineyso sidii xafiisyada dowladda iyo dugsiyada waxbarashada looga hirgelin lahaa farta Soomaaliga iyadoo wasaaraddu fulineyso baaqii R/wasaare Kheyrre ee ku wajahnaa isticmaalka farta Soomaaliga.

Sidoo kale  xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir aya ka hadlay dhibaatooyinka Soo wajahay afka Soomaaliga, iyo baahida loo qabo in la soo nololeeyo afka Soomaaliga.

- Advertisement -

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, oo xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku dadaali doonto sidii dugsiyada dalka iyo xafiisyada dowladda looga hirgelin lahaa isticmaalka farta Soomaaliga.

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Akadeemiyadu ugu jirto soo nooleeynta Afka Soomaaliga, waana sanadguuradii 45 ee ka soo wareegtay marki la hirgeliyay qorista farta Soomaaliga uuna soo baxay wargeyski ugu horeeyay ee ku qoran farta Soomaaliga taasoo ku asteysneyd sanadkii  1973-dii.

Hoos Ka Dhageyso Codk R’iiul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya kana Daawo Sawirrada.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts