|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya odayaasha Koonfur Galbeed

Warar · Ilhaan · March 21, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya odayaasha Koonfur Galbeed
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya odayaasha Koonfur Galbeed
In Summary

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya odayaasha Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta kulan muhiim ah kula yeesho madaxtooyada Soomaaliya qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in aan weli si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulanka, balse ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya inuu la xiriiro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed, taasoo salka ku haysa isqabqabsi siyaasadeed iyo eedeymo faragelin ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa wada abaabul iyo qorshayaal la xiriira xaaladda taagan, kuwaasi oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee dalka.

Dhaqdhaqaaqyo xooggan oo isugu jira kuwa siyaasadeed iyo milatari ayaa sidoo kale laga dareemayaa deegaanada Koonfur Galbeed, xilli xaaladdu ay u muuqato mid sii kacsaneysa.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.