|

Diyaarad siday ilaalada Guddoomiye Aadan Madoobe oo laga celiyay Baydhabo

Warar · Ilhaan · March 19, 2026
Diyaarad siday ilaalada Guddoomiye Aadan Madoobe oo laga celiyay Baydhabo
Diyaarad siday ilaalada Guddoomiye Aadan Madoobe oo laga celiyay Baydhabo
In Summary

Diyaarad siday ilaalada Guddoomiye Aadan Madoobe oo laga celiyay Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hawada ka soo celiyay diyaarad ay saarnaayeen wafdi horudhac u ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur, taas oo ku wajahneyd magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka uu gaadiid dagaal dhigay gudaha garoonka diyaaradaha Baydhabo, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada duulimaadyada.

Sidoo kale, garoonka waxaa lagu gooyay gawaari tikniko ah oo ay leeyihiin ciidamada Koonfur Galbeed, si looga hortago in ay ka degaan diyaarado la filayo inay ka keenaan ciidamo ka yimaada Muqdisho.

Dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggan ayaa laga dareemayaa garoonka, iyadoo halkaasi la geeyay boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Xiisadda u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii kordheysa, kaddib markii dowladda federaalka ay ciidamo geysay degmada Baraawe, oo ka mid ah deegaannada uu ka taliyo maamulkaas.

Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda shaaciyo guddiga doorashada ee maamulkaasi, arrintaas oo la filayo inay sii saameyso xaaladda siyaasadeed ee taagan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.