Ciidamo KGS ee ka baxay Baraawe oo gaaray Kismaayo, kadibna loo gudbiyay Baydhabo
Ciidamo ka baxay Baraawe oo gaaray Kismaayo, kadibna loo gudbiyay Baydhabo
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee hore uga soo baxay Baraawe ay gaareen halkaas, kadib safar badeed qaatay in ka badan 24 saac.
Ciidamadan oo ku safrayay doomo ayaa lagu soo dejiyay dekedda Kismaayo, halkaas oo si degdeg ah looga dejiyay, loona geeyay goob gaar ah oo aan faahfaahin badan laga bixin.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay qeyb ka ahaayeen kuwii ka baxay Baraawe, xilli ay sii kordhayso xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadaasi markii dambe loo gudbiyay magaalada Baydhabo, oo xarun u ah maamulka Koonfur Galbeed.
Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa la rumeysan yahay inuu saameyn ku yeelan karo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobollada Koonfurta dalka, iyadoo si dhow loola socdo tallaabooyinka xiga ee dhinacyada isku haya khilaafka.