Trump oo NATO ku eedeeyay “fulaynimo” kana hadlay marinka Hormuz
Trump oo NATO ku eedeeyay “fulaynimo” kana hadlay marinka Hormuz
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray xulafada NATO, isagoo ku tilmaamay “fulay,” isla markaana ku eedeeyay inay ka gaabiyeen ka qeyb qaadashada arrimaha amniga caalamiga ah.
Trump oo qoraal ku daabacay bartiisa Truth Social ayaa sheegay in NATO ay daciif tahay haddii uusan Mareykanku garab taagneyn, wuxuuna xusay inay diideen inay ka qeyb qaataan dagaal lagu joojinayo nukliyeerka Iran.
Sidoo kale, wuxuu ku dooday in xulafada NATO ay ka cabanayaan kororka qiimaha shidaalka, balse aysan diyaar u ahayn inay gacan ka geystaan furista marinka Marinka Hormuz, oo uu ku tilmaamay hawl ciidan oo sahlan.
Trump ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay eedeyn adag, isagoo sheegay in tallaabo la’aanta NATO ay muujineyso fulaynimo, isla markaana ay arrintaasi xasuusan doonaan.