HomeWararDagaal u dhexeeya Ciidanka DF iyo Al-shabaab oo ka socda degaano ka...

Dagaal u dhexeeya Ciidanka DF iyo Al-shabaab oo ka socda degaano ka tirsan Hiiraan

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka degaanka ee macwiisleyda ah oo garabsanaya kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD iyo Al-shabaab ayaa ka socda deegaanno u dhaxeeya Halgan iyo Booco oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Warar laga helayo aaga dagaalka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka socda uu ka dambeeyay, kaddib markii ciidanka Huwanta ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay iyo saraakiil kale ayaa la tilmaamay inay hoggaaminayaan ciidanka howlgalkaasi fuliyay oo hadda dagaalka uu ku socdo.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamo gurmad ah oo wata gaadiidka dagaalka oo ka kala baxay Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ay gaareen deegaanada ay dagaalada ka socdaan ee Halgan iyo Booco

Khasaaro kala duwan ayaa lasoo weriyey inuu ka dhashay dagaalka oo dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan weli la caddeyn inta uu la egyahay.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories