HomeWararMadaxweyne Qoorqoor oo Maanta daah-furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug

Madaxweyne Qoorqoor oo Maanta daah-furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa maanta furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Maamulkaas. Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug waxaa sidoo kale goobjoob ahaa Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Dahir Ciid  iyo xubno kale oo kamid ah Maamulka. Madaxweynaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa maanta furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Maamulkaas.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug waxaa sidoo kale goobjoob ahaa Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Dahir Ciid  iyo xubno kale oo kamid ah Maamulka.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo  mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen shantii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan lixaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6aad  ee Baarlamaanka Galmudug.

Latest stories