HomeWararDagaal u dhexeeya Ciidanka DF iyo Al-shabaab oo ka socda degaano ka...

Dagaal u dhexeeya Ciidanka DF iyo Al-shabaab oo ka socda degaano ka tirsan Hiiraan

Date:

Related stories

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka degaanka ee macwiisleyda ah oo garabsanaya kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD iyo Al-shabaab ayaa ka socda deegaanno u dhaxeeya Halgan iyo Booco oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Warar laga helayo aaga dagaalka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka socda uu ka dambeeyay, kaddib markii ciidanka […]

- Advertisement -

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka degaanka ee macwiisleyda ah oo garabsanaya kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD iyo Al-shabaab ayaa ka socda deegaanno u dhaxeeya Halgan iyo Booco oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Warar laga helayo aaga dagaalka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka socda uu ka dambeeyay, kaddib markii ciidanka Huwanta ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

- Advertisement -

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay iyo saraakiil kale ayaa la tilmaamay inay hoggaaminayaan ciidanka howlgalkaasi fuliyay oo hadda dagaalka uu ku socdo.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamo gurmad ah oo wata gaadiidka dagaalka oo ka kala baxay Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ay gaareen deegaanada ay dagaalada ka socdaan ee Halgan iyo Booco

Khasaaro kala duwan ayaa lasoo weriyey inuu ka dhashay dagaalka oo dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan weli la caddeyn inta uu la egyahay.

Latest stories