HomeWararWasiiru Dowle ka tirsan Xukuumadda Xilgaarsiinta oo Xildhibaan loo doortay

Wasiiru Dowle ka tirsan Xukuumadda Xilgaarsiinta oo Xildhibaan loo doortay

Date:

Related stories

Puntland President Deni Overhauls Police Leadership in Major Security Shake-Up

Puntland's President Said Abdullahi Deni has announced a sweeping restructuring of the regional police force, appointing a new second deputy commander and fresh leadership across key departments, including the Criminal Investigations Department (CID) and regional police commands. The move is seen as part of broader security reforms to strengthen law enforcement in the semi-autonomous state.

Somalia’s Elite Gorgor Unit Delivers Lifeline to Drought-Hit Families

The Gorgor Commandos of the Somali National Army have conducted a humanitarian operation in the Middle Shabelle region, delivering critical food aid to communities suffering from severe drought in an incredible show of solidarity.

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#268 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada kursiga HOP#268 ayaa waxaa uu qorshahu ahaa inay ku tartamaan Musharaxiinta Axmed Muumin Waaliye iyo Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta.

99 Ergo ayaa coddeeysay doorashada kursigaan oo uu ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu doorashada ka tanaasulay Musharax Xildhibaan Axmed Muumin Waaliye Ibraahim oo la tartami lahaa Xagaa.

Kursiga Hop268 ayaa waxaa dhowrkii sanno ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Cali Xagaa oo mar labaad la doortay.

Doorashada kuraas kale oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa haatan ka socota Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories