HomeWararMusharax la dhaawacay oo Goor dhow Xildhibaan Golaha Shacabka loo doortay

Musharax la dhaawacay oo Goor dhow Xildhibaan Golaha Shacabka loo doortay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow kusoo dhammaatay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland. Doorashada dhacday ee kursiga tirsigiisu yahay kursiga HOP192 ayaa waxaa ku guuleystay oo kusoo baxay Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, waxaana la tartantay Musharax Ruwayda Maxamuud Maxamed oo isku […]

- Advertisement -

Doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow kusoo dhammaatay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland.

Doorashada dhacday ee kursiga tirsigiisu yahay kursiga HOP192 ayaa waxaa ku guuleystay oo kusoo baxay Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, waxaana la tartantay Musharax Ruwayda Maxamuud Maxamed oo isku diiwaan-gelisay tartanka.

- Advertisement -

Maxamed Faarax Nuux ayaa helay 91 Cod, halka Ruwayda Maxamuud ay iyaduna heshay hal Cod, isla markaana waxaa halaabay 2 Cod, sida ay ku dhawaaqeen Natiijada Guddiga doorashada SEIT ee dowlad Goboleedka Puntland.

Xildhibaan Maxamed Faarax ayaa maalintii shalay aheyd ku dhaawacmay rasaas ay dabley hubeysan ku fureen, xili uu ku sugna Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana Maxamed uu ka dhaawacmay gacanta oo waxyeelo ka gaartay.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Faarax ee Maanta ku guuleystay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in cabashooyinka ka jira kursiga uu kusoo baxay ee HOP192 la xalin doono, isagoona tacsi u diray dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii dhacay.

Latest stories