HomeWararDoorashada Lix kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta lagu qabanayo...

Doorashada Lix kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta lagu qabanayo Garoowe

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa ka dhaceysa doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddiga doorashada SEIT ee Maamulka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee lixda, kuwaasi oo doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada […]

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa ka dhaceysa doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada SEIT ee Maamulka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee lixda, kuwaasi oo doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Garoowe.

- Advertisement -

Doorashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#014 ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah Cabdirisaaq Axmed Xuseen iyo Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar, kursiga HOP#192 waxaa ku tartamaya Maxamed Faarax Nuur iyo Ruweyda Maxamuud Maxamed.

Kursiga HOP#094 ayaa waxaa doorashadiisa ku tartamaya laba Musharax oo lagu kala magacaabo Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Fardus Maxamed Aadan, doorashada kursiga HOP#174 ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay Leylo Cabdi Faarax iyo Khadra Axmed Maxamed.

Guddiga doorashada Puntland ayaa tartanka doorashada kursiga HOP#074 u diiwaan-geliyay Axmed Cabdiraxmaan Cilmi iyo Cabdiqani Maxamuud Maxamed, halka doorashada kursiga HOP#121 ay ku tartami doonaan Farxiya Yuusuf Cumar iyo Nimco Cumar Maxamed.

Latest stories