HomeWararAas wadareed loo sameeyey dadkii ku geeriyooday Qaraxii Muqdisho

Aas wadareed loo sameeyey dadkii ku geeriyooday Qaraxii Muqdisho

Date:

Related stories

Maxamed Ordaaye: Sidee Muwaadin reer Togdheer ah u qabsaday Caalamka isagoo aan hadlin?

Maxamed Ordaaye, oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Duruqsi,

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Waxaa Maanta Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho Aas wadareed loogu sameeyay 8 dhalinyaro ah oo xalay ku geeriyooday Qarax xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ah ayaa waxaa fuliyay qof da’ ah oo watay khamiis iskuna soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu gudaha u galay Maqaayad Gelato Divino oo ah goob lagu iibiyo Mac-macaan oo ay daka fadhiistaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa inta badan maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana waxyeelada inta badan ay soo gaartay dad u badan dhalinyaro oo ku Caweynayay Maqaaxida Gelato Divino.

8 dhalinyrao ah oo siwey loo yaqaanay ayaa ku naf-waayay qaraxas, halka dad ku dhow 8 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, kuwaasi oo la geeyay xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda dalka, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Boqolaal qof oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay Aaska loo sameeyay dhalinyaradii xalay ku geeriyooday qaraxaas, iyagoona tacis loo diray.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories