HomeWararAkhriso:-Waa kuma Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya

Akhriso:-Waa kuma Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya

Date:

Related stories

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

Dr. Nuur Diiriye Hersi (Fuursade), wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, sanadkii 1952dii. Wuxuu tacliinta Hoose iyo xifdinta Qur’aanka ku bartay isla magaaladii uu ku dhashay. Waxbarshada Dhexe iyo Sare waxa uu ku qaatay Dugsiyada Bartamaha iyo Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ahaa kamid ahaa dufcaddii ugu horreysay ee loo qaatay kulliyada Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda sanadkii 1973-dii isaga oo kaga qalin jabiyay Shahaadada Darajada Koowaad ee Jaamacadda 1978-dii.

Waxaa isla 1978-dii loo qaatay inuu Bare-kaaliye ka noqdo Kulliyadda Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Shahaadada labaad (Masters) wuxuu ka diyaariyay Jaamacadda Missouri ee dalka Mareykanka sanadku markii uu ahaa 1983-dii, isaga oo ku diyaariyay Mechanical Engirineering. 1987-dii wuxuu ka qaatay Shahaadada Phd ee culuumta Injineeriyada isla Jaamacadda Misouri. Isla sanadkaas wuxuu noqday Madaxa Waaxda ICT-ga iyo Bare ka tirsan Kulliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda.

Wuxuu aasaasay 1987-dii Shirkad la yiraahdo Fuursade Engineering and Computer Services oo ahayd tii ugu horreysay ee si gaar ah looga barto culuumta Kumbuyuutarka, waxaana ka aflaxay arday badan oo xilliyadaas ku hana qaaday barasha cilmiga Kumyuutarka.

Wuxuu dabayaaqadii 1990-kii u wareegay dalka Canada halkaas oo uu ka noqday La-taliye dhinaca culuumta Kumbiyuutarka ah, wuxuuna ka dhaqangeliyay magaalada Toronto Dugsi lagu barto softwares-ka. Waxaa intaas dheer inuu Prof Fuursade isla Canada kasii waday xirfaddiisa macallinimada iyo la-talinta culuumta ICT-ga.

Sanadkii 2004 wuxuu Bare ka noqday Jaamacadda UAE ee magaalada Al Ceyn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

2007 wuxuu ku laabtay dalka Canada isaga oo ku biiray macallimiinta Koleejka Seneca ee magaalada Toronto, isaga oo dib u bilaabay hawlaha tala-bixinta, gaar ahaan cilmiga xog-dhigista (Database).

2014 wuxuu dib ugu soo laabtay dalka isaga oo shaqooyin tala-bixin ah siiyay shirkado iyo Jaamacado ka hawl-gala Soomaaliya.

Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo loo magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda.

Waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu istaajiyay waxaa kamid ahaa Mashruuca Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ay gacan ka geysanayaan Dowladda Pakistan iyo Bankiga Adduunka kaas oo ay haatan dhammeystirkiisa ka shaqeynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Maajo, 2019 u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories