HomeWararMuwaadin Somali-Australian oo qirtay inuu weerar geysan lahaa

Muwaadin Somali-Australian oo qirtay inuu weerar geysan lahaa

Date:

Related stories

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

Maanta oo Arbaco ah, waxaa Maxkamadda Sare ee Gobalka Victoria ee dalkaasi waxaa la soo taagay Cali Khaliif Cali Shire oo 22-jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Barxad lagu qaban lahaa Dabaaldegga dhalashadda Sannadkii 2018-kii.

Qareenkiisa oo lagu magacaabo Jarrod Williams ayaa waxa uu Maxkamadda horteeda ka xaqiijiyey  qirashadiisa.

Cali Khaliif Cali Shire oo ah Muwaadin haysta Dhalashadda Australia ayaa waxaa lagu soo oogay Eedeymo la xiriira in muddadii u dhexeysay bilihii March iyo April ee sannadkii 2017-kii uu diyaariyey qorshe uu ku weerari lahaa Fagaaraha Federation Square bishii December 31-dii ee isla sannadkaasi.

Boliska waxay dhegeysan jireen Mobaylkiisa ilaa bishii October ee sannadkii 2016-kii, sida laga sheegay Dhegeysiga Guddi Maxkamadeed.

Eedeysanaha waxa uu ku jiray gacanta Boliska tan iyo bishii November ee sannadkii 2017-kii, xilligaasi oo ay Boliska ka soo qabteen Dhismo laga dukaamaysto.

Eedeysanaha, Ali Khalif Shire Ali, waxa uu maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Sare ee Gobalka Victoria ee dalkaasi, si uu u qirto baaritaanka ku aadan qaabka uu ku helay hubka iyo rasaasta iyo diyaar-garowgiisa qorshaha uu weerarka ku geysan lahaa dabayaaqadii sannadkii 2017-kii.

Xeer-beegtida Maxkamadda waxaa la sheegay inay kulan kale ka yeelan doonaan dhegeysiga qirashadiisa iyo xukunkiisa bisha August ee sannadkan.

Dhinaca kale, Ali Khalif Shire Ali waxay walaalo ahaayeen Xasan Khaliif Shire Cali, kaasi oo ay Boliska Australia toogteen bishii November 9-diiee sannadkii hore, xilli uu gaarigiisa dab qabadsiiyey, isla markaana uu 3 qof ku tooreeyey bartamaha Degmadda Ganacsiga ee magaalladda Melbourne.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories