HomeWararDowladda Somalia oo cambaareysay weerar lagu qaaday goobo shidaal oo ku yaalla...

Dowladda Somalia oo cambaareysay weerar lagu qaaday goobo shidaal oo ku yaalla Sacuudiga

Date:

Related stories

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

War-saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkii lagu qaaday shalay subax labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Warka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:-

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay oo shalay subax oo Talaado ahayd lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalkaasi burburinta leh mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxa ayna si dhammaystiran u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya hoggaankeeda, xukuumaddeeda iyo shacabkeeda si ay uga hortagaan iskuday waliba oo lagu waxyeeleynayo amniga qarankooda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories